Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Sacudi Carabiya


Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu walxihii qarxayay ee uu sitay uu ku qarxiyay gudaha masaajid ay shiicadu leedahay oo ku yaala bariga dalka Sacudi Carabiya, iyadoo aan la ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay.

Qaraxa baaxadda leh ayaa dhacay intii lagu gudajiray tukashada salaadda Jimcaha ee masaajidka Imaam Cali eek u yaala Qatif oo ah magaalo ku taala xeebta bari ee ay ku badan yihiin boqortooyada Suniga ah.

Wakaaladda wararka ee ay maamusho dowladda ayaa xaqiijisay in qaraxu ku dhacay masaajidka ku yaala Qatif, waxaana ay sheegtay in faah faahinta dheeraadka ah ay dhowaan soo bixi doonto.

Sawirro la galiyay shabakadaha bulshada ayaa muujiyay dad dhaawac ah ama dhintay oo laga soo saarayo dhismaha oo la saarayo gawaarida gurmadka ee ambalaasta oo yaala banaanka masaajidka.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda mana jirto xaqiijin ku saabsan tirada dadka ku dhintay amaba ku dhaawacmay.

Weerarrada noocan oo kale ah ayaa aad ugu yar dalka Sacudi Carabiya, inkastoo waddanku uu xuduud dheer la wadaago Ciraaq iyo Yemen, labadaasi waddan oo ay haystaya dagganaanshiyo la’aan ballaran.

XS
SM
MD
LG