Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Ciraaq ka Caawinaysa Dib u Qabashada Ramadi


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladdiisu ay u heyso Ra’isul Wasaaraha Ciraaq iyo qorshaynta ku aadan howlgalka military ee la doonayo in xukumadda Ciraaq ay dib ugu soo ceshato gacan ku heynta magaalada Ramaadi oo ay dhawaan qabsadeen maleeshiyada Ururka Daacish.

Hadalka Obama ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Ciraaq iyo Maleeshiyada Shiiccada ay isku urursanayaan banaanka magaaladaasi xarunta u ah gobolka Ambar ee Galbeedka Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq iyo Maleeshiyada Shiicada oo wada jira ayaa horey ugu guuleystay inay dib u qabsadaan magaalada Tikrit, laakiin afhayeen u hadlay Aqalka Pentigonka ee Gaashaandhigga Mareykanka oo la yirahdo Colonel Steve Warren ayaa sheegay Talaadadii shalay in dib u qabsashada Ramadi ay caqabado badan hor yaalaan maadaama buu yiri ciidamada Ciraaq ee magaaladaa laga qabsaday ay ka soo carareen qalab military oo kala duwan oo uu Mareykanka horey u siiyay.

Maleeshiyada ISIS ayaa qabsatay magaalada Ramadi Axaddii la soo dhaafay ka dib markii uu dhowr maalmood dagaal ka socday, dagaalkaas oo ay ku dhinteen 500 oo qof.

Wixii markaa ka dambeeyay ayaa ciidamada dowladda waxey dib ugu gurteen bariga magaalada halkaas oo ay ku biirayaan maleeshiyaadka shiicada oo ka jawaabayay baaq dagaal oo uu jeediyay Ra’isul wasaare Haider al-Abadi.

XS
SM
MD
LG