Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo oo ka Digay Dhismaha Ciidanka Somalia


Somaliland ayaa maanta u dabaal degtay sannad guuradii 24 aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay madaxnaanidooda dib ugala soo noqdeen dalka Somalia sannadkii 1991 kii, Waxaana munaasibado loogu dabalaal degayo lagu qabtay gobolada iyo degmooyinka.

Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad u jeediyay bulshada ayaa walaac ka muujiyey ciidamada loo dhisayo dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda Soomaaliya ay marar kala duwan ku soo celceliyaan in ciidamadaas loo dhisayo in lagu soo midnimadii burburtay, Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu baaqay wadamada Soomaaliya u dhisaya Ciidamadu inay arrintaas ka fiirsadaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka isagoo sheegay inaanu waxba hagran, isagoo iska fogeeyey in xukuumaddu saamayn ku lahayd go’aankii ka soo baxay golaha Guurtida ee muddo kordhinta ay ugu sameeyeen Xukuumadda iyo weliba Golaha baarlamaanka, waxaana madaxweyne Siilaanyo go'aankaas ku tilmaamay dastuuri.

Wasiirka difaaca ee dowladda Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in dib u dhiska ciidamada Somalia aanay halis ku ahayn dad gaar ah, wuxuuna sheegay in dib u dhiska ciidamo Somali ah oo amniga ilaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka dhageyso warbixintan Madaxweynaha iyo dabaaldego, iyo waliba wareysiga wasiirka difaaca.

Warbixinta Somaliland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:17 0:00

XS
SM
MD
LG