Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Booqday Shiinaha


Wasiirka Arrimaha Debeddda ee China Wang Yi ayaa ka hadlay safarka Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanku uu ku tegey dalka Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Debedda Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu difaaco madaxbaanida dhuleed taas oo ah arrin aan la taaban Karin.

Hadalkan ayaa yimi ka dib markii ay shir jaraa’id oo wada jira Beijing ku wada qabteen labada Wasiir, iyaga oo ka wada xaajooday shirkoodaas jaraa’id ka hor arrimo kala duwan oo ay jiraan ganacsiga, barnaamijka nukliyeerka Kuuriyada Woqooyi iyo xiisadda ka taagan badda lagu muransan yahay ee koonfurta Shiinaha.

Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin sheegashada dawladda Shiinaha ee jasiiradda ku taalla biyaha koonfurta Shiinaha, wuxuuna dalka Shiinaha ugu baaqay inay wadahadal la furan dhinacayada dooddan ku lugta leh si arrintan loo xalliyo.

XS
SM
MD
LG