Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiishii Afgambiga Burundi oo la Xidhay


Mas’uuliyiinta dawladda Burundi ayaa sheegay in la xidhay saddex qof oo ku lug lahaa Afgambigii la isku dayay Arbacadii in madaxweyne Pierre Nkurunziza talada looga tuuro.

Sarkaal ka tirsan xafiiska madaxtooyada ee Burundi ayaa saxaafadda u sheegay in saddex Janaraal oo ka mid ahaa sarakiishi afgambiga taageeray xabsiga la dhigay.

Hase ahatee Janaraalkii afgambiga ku dhawaaqay ee Godefroid Niyombare ayaan wali la gacanta lagu dhigin.

Madaxweynaha Burundi ayaa shacabkiisa la hadlaya.

Waddooyinka caasimadda Bujumbura ayaa maanta deggan.

XS
SM
MD
LG