Isku xirrada

War Deg-Deg ah

45 Qof oo Rayid ah oo Lagu Dilay Pakistan


Masuuliyiinta Pakistan ayaa sheegey in dabley hubeysan ay weerareen bus dad shacab ah sidey oo maraayey magalaada Karchi maanta oo Arbaca ah, weerarkaas oo ay ku dhinteen 45 qof oo rayid ah oo 16 ka mid ah ay haween ahaayeen.

Madax Policeka Karachi General Ghulam Haider ayaa sheegey in lix nin oo mootooyin watay ay gudaha ugaleen baskii ay saaraayeen dadkaasi, iyagoo rasaas aan loo kala aaba yeelin ku furay.

Hasa yeeshee goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta Pakistan in kuwii weerarka geystay ay iska daayeen laba caruur ah oo baska saaraa iyo darawalkii waday oo ay ku amreen inuu dadka geeyo cusbital.

Weli ma jirto ci si rasmi ah u sheegatay weerarka, laakiin warbaahinta Pakistan ayaa soo warisay in boolisku ay ka heleen goobtii uu weerarka ka dhacay warqad ay ku qorantahay koox minted ah oo yar oo la yirahdo “KHURASAN” oo sheeganeysa inay weerarka ka dabeysay, iskuna tilmaamay inay gacan saar la leedahay ururka ISIS.

Dadka weerarka loo geystay ayaa u badnaa Shiicada.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Milatariga Pakistan General Raheel Sharif ayaa baajiyay safar u qorsheysnaa inuu ku aado Sri Lanka weerarkan dartii.

XS
SM
MD
LG