Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afgambi Lagaga Dhawaaqay Burundi


Janaraal ka tirsan ciidamada Burundi ayaa sheegay inuu taladii dalka ka qaaday madaxweyne Pierre Nkurunziza oo safar dalka dibaddiisa ugu maqan.

Janaraal Godefroid Niyombare ayaa sidaasi ka sheegay dhowr ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay maanta oo Arbaca ah

Wariyaha VOAda Gabe Joselow, oo haattan ku sugan magaalada Bujumbura ee caasimadda Burundi ayaa sheegay inanay wali caddayn in Janaraalkan uu haysto taageerada buuxda ee Milatariga.

Joselow ayaa sheegay in magaalada ay xabadu ka dhacayeen iyada oo booliska iyo dad mudaaharaadayay ay isku dhaceen.

Afgambigan isku dayga ah ayaa imanaya iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay ay dalkaasi rabshado ka taagnaayeen ka dib markii madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isku soo sharaxayo doorashooyinka dalkaasi.

XS
SM
MD
LG