Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Joojin Yemen ka Dhaqangaleysa Maanta


Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ayaa maanta gelinka dambe lagu wadaa inay hubkooda hoos u dhigaan oo ay dhaqangeliyaan xabbad joojin socon doonta muddo shan maalmood ah, si gargaarka loogu ogolaado in la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee aadka ugu tabaaleysan gudaha dalkaasi.

Falaagada Xuutiyiinta, ciidamada dowladda, iyo isbaheysiga uu Sacuudigu hogaaminayo oo duqeymo ka geysanayay dalkaasi lixdii todobaad ee la soo dhaafay ayaa dhamaantood balanqaaday inay xabbad joojinta u hogaansamayaan, laakiin ma jiro damaanad qaad ah inay xabad joojintu dhaqangaleyso, iyadoo dagaal culus uu dalkaasi ka dhacayay Isniintii shalay.

Xabbad joojinta ka hor ayaa haweeneyda ugu sareysa Qaramada Midoobay dhinaca gargaarka, Valerie Amos ayaa ka cosatay dhinacyada oo dhan inay hirgeliyaan xabad joojinta, si dadka Yemen loola gaaro, cunno, dawo, iyo biyo nadiif ah, isla markaana loo siiyo fursad ay uga baxsadaan goobaha dagaaladu ay ka socdaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Yemen ay ku dhinteen dad ka badan 1, 400 oo qof, kumanaan kalena ay ku bara kaceen.

XS
SM
MD
LG