Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo Sheegay in aan Qaxootiga Khasab Lagu Celin Doonin



Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay Isniintii in muhaajiriinta iyo qaxootiyada laga hortago iyagoo isku dayay inay ka talaabaan badda Mediterranean-ka aan dib loogu celin Karin waddankooda si looga horyimaado doonistooda.


Wakiilka sare ee midowga yurub ugu qaabilsan arrimaha dibadda Federica Mogherini ayaa Isniintii ka hadashay golaha amaanka ee QM toddobaadyo gudahood. Waxa ay sheegtay in xaaladdaha cakiran ee haysta muhaajiriinta Africanka ah iyo kuwa carabta ee raadinaya in ay yurub ku soo galaan tahriib, kuwaasoo badanaa ku geeriyooda badda, aanay haysan xal mucjiso ah, laakiin waxa ay taa beddelkeeda u baahan tahay jawaab amaba wax ka qabasho dhamaystiran.

Dhinaca kalan, dalka Netherland jooga Soomaali ilaa 4 boqol gaareysa oo aan sharci haysan, isla markaana guryo iyo adeegyada kale ee bulsho ay ka maqan yihiin. Intaas waxa dheer in dawladda Netherland ay maanka ku haysto in dadkan ay Somalia ku celiso.

XS
SM
MD
LG