Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Xusay Guushii 70 Sano ka Hor


Ruushka ayaa dhoollatus milateri ku soo bandhigay fagaaraha cas ee Moscow si uu u xuso 70 guurada ka soo wareegtay guushii ay ka gaadheen markii ay jebiyeen ciidamada Nazi-yiinta taas oo soo afjartay dagaalkii labaad ee dunida.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin wuxuu u mahadnaqay isbahaysigii la socday Ruushka dagaalkii labaad ee dunida oo ay ka mid ahaayeen Maraykanka, Britian iyo Faransiiska kaas oo ka caawiyey Ruushka inay ka gacan sarreeyaan Naaziyiinta.

Diblomaasiyiinta reer galbeedku kama qayb gelin dhoolla tuskan, waxayna ka cadhaysan yihiin doorka Ruushku uu ka ciyaaray arrimaha Ukraine iyo Cirmea.

XS
SM
MD
LG