Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liberia oo Laga Cidhib-tiray EBOLA


Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in dalka Liberia laga cidhib tiray xanuunka Ebola.

WHO ayaa hadalkan ku dhawaaqday ka dib markii aan dalkaas lagu arkin cid xanuunka qabta muddo 42 maalmood ah, oo ah laban laab xilliga la fili karo in xanuunkaasi qofka soo rito.

Laakiin weli wadamada galbeedka Afrika ayaa xanuunkaasi ka jiraa, gaar ahaan dalalka Sierra Leone iyo Guinea oo deris la ah Liberia taas oo toddobaadkii hore lagu soo waramay in lagu arkay dal kasta illaa 9 qof.

XS
SM
MD
LG