Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Puntland ah oo la Dilay


Waxa kaddib salaaddi Makhrib lagu dilay Magaalada Gaalkacyo Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Dirir oo ku Magac dheera Siciid Lugool kana mid ahaa Barlamaanka Puntland.

Magaalada Gaalkacayo waxaa salaaddii makhrib ka dib lagu dilay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Puntland.

Xildhibaanka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur oo ku magacdheer Siciid Lugool.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in ay toogteen Rag Bastoolado ku hubaysan xili uu ka soo baxay Masaajidka Abu Hureyra ee Magaalada Gaalkacyo, waxana sidoo kale lala dilay Nin Ilaalo ahaa oo Xildhibaanka la socday sida ay VOA u sheegeen Goobjogayaal garay goobta wax yar kadib.

Ragga dilka geystay ayaa sioo kale adegsaday Bam Gacmeed ay ku kala ceyrinayen Dadkii goobta ka ag dhowa iyo dadka Masaajidka ka soo bxayay taaso sahashay in si ahlan ay gobta uga baxsadan.

Ciidanka Amniga ayaa Goobta gaaray.

XS
SM
MD
LG