Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Lagu Dilay Muqdisho


Sawir Muqdisho
Sawir Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa maanta Xaafadda Nasteexo ee dagmada Wadajir ku
dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga ee dagmadaasi C/fitaax
Barre Guure.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa Saakay xiligii la dilayay waxa uu ka soo
baxay gurigiisa, waxana isagoo maraya waddo ku dhaw isla xaafadda uu
daggan yahay lagu hor gooyay gaari ay wateen rag hubeysan kuwaasoo isla
markiiba rasaas ku furay gaarigii gudoomiye ku xigeenka taasoo keentay
in uu halkaasi ku geeriyoodo isaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisii

Dhinaca kale qarax miino ayaa isla maanta lagula eegtay deegaanka
Ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho kolonyo gaadiida oo ka tirsan
kuwa AMISOM oo wadadaasi marayay

Qaraxa ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah gawaaradii ay
wateen ciidamada AMISOM,waxana goobta durbaba isku gadaamay ciidmada
AMISOM oo iyagu xiray wadada uu qaraxu ka dhacay ee u dhaxeysa EX-
Kontorol ilaa deegaanka Ceelasha biyaha,

Gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa
isticmaalayay Wadooyin qarda-jeex ah mudadii ay howlgalka ciidamadu ka
wadeen goobta qaraxu ka dhacay.

XS
SM
MD
LG