Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Texas oo Laba Nin Toogasho ku Dilay


Booliska Gobolka Koonfurta Mareykanka ku yaala ee Texas ayaa toogasho ku dulay laba nin oo ay sheegeen inay rasaas ku weerareen sarkaal ilaala ka ahaa iskuul gelinkii dambe ee Axaddii shalay meel dibadda ka ah goob uu ka dhacay tartan dhinac sawirada ah oo lagu soo bandhigayay sawiro ay ku jireen kuwo loo muuqaal ekeynayay Nabi Muxamed(NNKH)

Magaalada Garland, oo ku taala duleedka magaalada Dallas, ayaa sheegay in sarkaalka la weerary ay dhaawacyo aan halis aheyn soo gaareen, isla markaana boolisku ay baarayeen in walxaha qarxa looga tagay Gaarigii ay wateen ragga weerarka geystay iyo in kale.

Saraakiishu weli ma aysan sheegin heybta ragaasi.

Urur lagu magacaabo Ururka Difaaca Xuriyadda ee Mareykanka ayaa tartankan sawirada qabanayay, isagoo ku bixinayay 10 kun oo dollar, sawirka ku guleysta.

Barta Internetka ee uu ururkan leeyahay ayaa lagu sheegay in in ka badan 350 sawir gacmeed loo soo gudbiyay tartankan, kuwasoo dhamaantood u taagan xuriyatul qowlka.

Muslimiin baddan ayaa u arka aflagaado iyo meel ka dhac in nabi Maxamed (NNKH) lagu muujiyo sawir.

Bishii January, ayaa laba ka mid ah Islamiyiinta seef la boodka ah waxey weerar ku qaadeen Majalad ka soo baxda dalka Faransiiska oo la yirahdo Charlie Hebdo, oo daabacay sawirro badan oo uu ku muuqaal xumeynayay Nabbi Muxamed(NNKH)

Todobaadkii la soo dhaafay, ayaa farshaxanistihii, Charlie Hebdo, Renald Luzier waxa uu sheegay inuusan mar dambe sawiri doonin muuqaalo loo ekeysiinayo nabi muxamed, isagoo sabab uga dhigay in mowduucaasi uusan xiiso u sii qabin.

XS
SM
MD
LG