Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Dhintay & kuwo la soo Badbaadiyay


10 Tahriibayaal ayaa ku dhintay biyaha Badda Mediterraean meel ku dhow xeebaha dalka Libia labadii maalmood ee la soo dhaafay, laakiin 4,100 kale ayaa la soo badbaadiyay.

Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen boqolaal muhaajiriin ah oo ku socday in ka badan 15 doonyood maanta oo Axad ah, iyagoo shalayna oo Sabti aheydna soo badbaadiyay in ku dhow 3,700 oo qof .

Dadkan maanta la soo badbaadiyay oo dhamaantood rag ahaa ayaa saaraa laba doonyood, waxaana sidoo kale ciidamadu ay soo qabteen laba qof oo looga shakisanyahay inay yihiin kuwii dadkan Tahriibinayay.

Dhamaan dadkii shalay la soo badbaadiyay ayaa la geeyay Talyaaniga, gaar ahaan Jazeeradda Lampedusa, Sicily iyo Clabria.

Iyadoo lagu guda jiro xilliga Kuleylaha iyo badda oo deggan ayaa waxaa la filayaa in tirade dadka muhaajiriinta ee badaha isku soo biimeynaya inay kor u kacdo.

Waxaa la qiyaasayaa in tirada tahriibayaasha tagaya Talyaaniga sanadkan 2015ka inay gaarto 200,000, halka sanadkii hore ay ka aheyd un 30,kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wasaaradda arimaha Gudaha ee Talyaaniga.

Ciidamada Iaalalada Xeebaha Talyaaniga ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in 12kii bishii April oo kaliya ay soo badbaadiyeen 3,791 muhaajir iyadoo maalintii ku xigtayna ay soo badbaadiyeen 2,850 qof.

Bishii April ayaa dad gaaraya 1200 oo qof ay ku dhinteen doomo ku deggay badda Medeteriniyanta oo ay saaraayeen dad muhaajiriin ah oo African u badan.

Dalalka ku yaala geeska Africa oo ay ku jiraan Somalia, Ethiopia, iyo Ereteria ayaa ka mid ah dadka muhaajiriinta ee badahaasi ku dhinta.


XS
SM
MD
LG