Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Dadkii Ku Dhintay Dhulgariirkii Nepal oo Kor u Kacday


Saraakiisha ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in tirada dhimashada ee dhulgariirkii ka dhacay dalka Nepal ay hadda marayso 6, 600 oo qof kuwaasoo intooda badan ku dhintay magaalada caasimada ee Kathmandu iyo deegaannada ku hareersaysan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin rajo wanaagsan oo laga qabo in xilligan la heli doono dad ka badbaaday dhulgariirkaasi.

Dadka ka badbaaday waxyeelladii dhulgariirkii ka dhacay dalka Nipaal ayaa dowladda iyo hay’addaha gargaarka ku booriyey in loo soo dedejiyo biyo iyo baad iyo in ay helaan hoy maadaama ay dad badan ku nooliyihiin deegaanno bannaan kaddib markii ay burbureen gurihii ay deganaayeen.

XS
SM
MD
LG