Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Dad Guryahooda lagala Baxay


Booliska Nairobi
Booliska Nairobi

Xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay soo badanayaan shaqsiyaad iskugu jira culimo iyo ganacsato oo guryahooda lagala baxay lana waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Mudanayaashu waxay sheegeen in arrintani ay walaac weyn ku abuurtay ayna doonayaan in dawladdu caddayso cidda dadkaasi kala baxaysa gurayhooda.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nayroobi kadib ayaa Xildhibaan Cabdiqadir Cumar Cabdi uu weriyahayaga Maxamed Faarax Shire uga warramay waxa ay kaga hadleen shirkooda jaraa’id.

Xildhibaanada Kenya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG