Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Wadatashiga oo Garowe ka Furmay


Shirka Garoowe
Shirka Garoowe

Magaalada Garowe ee Puntland waxaa maanta ka furmay wajiga labaad ee madasha wadatashiga oo ay leeyihiin madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Kulan oo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa looga doodayaa Hiigsiga 2016, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, qeybsiga kheyraadka, xal u helista dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale.

Guddiyo ay dhinacyadu iska soo saareen ayaa ka dooddaya qodobadaasi, kadibna waxaa la filayaa inay go'aammo ka soo saaraan.

Shirkan mid la mid ah ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhageyso warbixinta ka hadlaysa hadallada ay madaxdu ka jeediyeen shirka Garowe.

Dhageyso Shirka Garowe uga Furmay Madaxda Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:31 0:00

XS
SM
MD
LG