Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandow Ka Dhaqan Galay Baltimore


Bandow xilliyada habeenkii ah ayaa ka dhaqan galay magaalada Baltimore ka dib maalin ay boolisku ku tilmaameen mid nabadeed,oo daba socotay qulqulatooyin ka dhashay dhimashada wiil 25 jir ah oo madow ah oo ku dhintay meel ay boolisku ku xabiseen.

Markii la gaaray xilligii uu bandowga dhaqane galayay oo ku beegneyd 10kii habeenimo saacadda cirifka bari ee Mareykanka ayaaney muuqay astaamo muujinayay in dadkii jidadka dibadbaxa ku dhigayay ay raacayeen amarka ahaa inay guryahooda ku noqdaan.

Dadka magaalada ku nool oo qowmiyado kala duwan lahaa ayaa shalay isugu soo baxay wadooyinka si ey u nadiifiyaan, qashin dadsanaa jidadka, haraadiga dukaamo la gubay iyo xarumo ganacsi oo la boobay.

Qoraxdhicii xalay, ayaa wadooyinkii ay insniintii rabshaduhu ka dhaceen waxaa soo buux dhaafiyay dad qoob ka cayaarayay, waxaana ka shanqarayay muusig xooggan.

Bandowga xalay magaalada lagu soo rogay oo bilaabmaya 10ka fiidnimo xiilliga cirifka bari ee Mareykanka, ilaa iyo 5tana soconaya ayaa magaalaa ay ku sii jiri doontaa muddo todobaad ah.

XS
SM
MD
LG