Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Bashiir oo ku Guuleystay Doorashadii Suudaan


Xisbiyada waaweyn ee mucaarada ayaa horay u qaacaday doorashada dalka Suudaan kuwaasoo warbaahinta iyo ururrada bulshada ku eedeeyey in ay muujiyeen in aysan jirin cid kale oo la baratamikarta madaxeynaha talada haya.

Guddiga doorashada ayaa maanta ku dhawaaqay in madaxweyne Al-bashiir uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay dalka Suudaan taasoo socotay muddo afar maalmood ah, iyadoo uu guddigu uu sheegay in dadka codadkooda dhiibtay ay ahaayeen 46%.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa talada dalka Suudaan haya tan iyo 1989-kii, iyadoo loollanka doorashadan ay la galeen musharraxiin ka tirsan xisbiyo aan si weyn looga aqoon fagaaraha siyaasadda ee dalka Suudan.

Midowga Yurub, Britain, Norway iyo Mareykanka ayaa dhammaan cambaareeyay doorashadan waxayna ku andacoonayaan in ayan jirin wadatashi qaran oo suurtogeliya hannaan siyaasadeed oo lagu wada jiro.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC ayaa muddo raadinaysa madaxweyne Al-Bashiir kaasoo ay ku eedeysay in uu galay dambiyo ka dhan ka ah xuquuqda aadamaha.

XS
SM
MD
LG