Isku xirrada

War Deg-Deg ah

700 oo Ku Dhimatay Dhulgariirka Nepal


Dhul gariir xooggan ayaa ka dhacay dalka Nepal kaas oo la sheegayo in khasaaraha dhimashada ee ka dhashay uu gaadhayo illaa 700 oo qof halka tiro kale oo badanna dhaawacyo ka soo gaadheen.

Illaa hadda waxaa sare u socota khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaas.

Heerka cabbirka dhul gariirkan ayaa lagu qiyaasay inuu gaadhayey illaa 7.8, waxana xuddunta ama goobta saldhigga u ahayd lagu sheegay meel 80KM dhinaca woqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Nepal ee Kathmandu.

Wararka ayaa sheegaya in guryo kala duwani ay halkaas ku burbureen, taas oo cabsi weyn iyo khalkhal ku abuurtay dadweynaha.

XS
SM
MD
LG