Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Albaab u Furmay Xiriirka Tokyo Iyo Beijing


Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa wada hadalo ku yeeshay maanta arbaca ah halka uu ka socdo shir madaxeedka dalalka gobolka iyo Afrika ay ku leeyihiin dalka Indonusia , waana markii labaad ee abid labadan masuul ay kulmaan.

Sarakiil u hadashay Japan ayaa sheegay in labadan Masuul ay isku arkeen Magaalada Jakarta, hase yeeshee faalo kama aysan bixin, inta uu kulankooda socday iyo qodobada ay isla soo qaadeen midna.

Goor sii horeysana, Ra’isul wasaare Abe iyo madaxweyne Xi ayaa la arkayay iyagoo isgacan qaadaya oo is marxabeynaya markii uu furmayay shir madaxeedkan. waxaana isaragga labadan masuul loo arkaa mid fursad u noqon karta wanaajinta xiriirka Tokyo and Beijing, kaasoo xumaaday ka dib markii labada wadan ay ku murmeen lahaanshaha dhul ay shine u aragto in Japan ay ku qabsatay dagaalkii ay la gashay Shiinaha iyo dalalkale oo deris la ah.

Hadal uu jeediyay Arbacadiina , Rasiusl Wasaare Abe waxa uu ku muujiyay inuu aad uga xunyahay in dagaalkii Japan uu dhamaaday laakiin ay ku guul dareysatay inay raaligelin ka bixiso dadkii wax ku noqday dagaalkaasi.

XS
SM
MD
LG