Isku xirrada

War Deg-Deg ah

6 Askarta AMISOM oo Somalia lagu Dilay


Degmada Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ay maanta weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidamo AMISOM ah oo halkaasi marayay.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaasi ku dileen 5 askari oo katirsan cidiamada Burudin, laakiin AMISOM ayaa iyadu war-saxaafadeed ku sheegtay in weerarkaasi ay uga dhinteen 3 askari, dhowr kalena ay uga dhaawacmeen.

Guddoomiyahja gobolka shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidii ayaa VOA u sheeegay in ciidamada AMISOM ay weerakaasi ku dileen 11 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab.

Dhinaca gobolka Jubbada Hoose, ugu yaraan 3 askarta Kenya ka tirsan ayaa shalay la dilay markii ururka al-Shabaab uu weerar gaadmo ah ku qaadey kolonyo ciidanka Kenya ah oo marayay meel u dhow deegaanka Taabto ee Jubbada Hoose.

XS
SM
MD
LG