Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS oo Dib u Eegaysa Heshiisyada Shidaalka


Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u eegayso heshiisyada shidaalka looga soo saarayo Soomaaliya.

Maxamed Mukhtar, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa VOA u sheegay inay dowladda ay aqoonsatahay heshiisyadii horey loola galay shirkaddaha markii dowladdii Somalia ay jirtay, balse wuxuu sheegay in imika wasaaraddiisu ay qorsheynayso in la helo shuruuc waafaqsan federaalka iyo rabitaanka dadka, si shacabka looga faaideeyo kheyraadka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu doonayso heshiis lagu qeybsanayo kheyraadka Soomaaliya yaalla.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka hadlay muranka Somalia iyo Kenya ee dhinaca xadka Badda, wuxuuna sheegay in dowladda Somalia aysan oggolaan doonin shirkadaha doonaya inay shidaal ka baaraan dhulka la isku haysto oo uu sheegay inay Soomaaliya leedahay.

Dhageyso Wareysiga Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00

XS
SM
MD
LG