Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caruur ku Dhimatay Roobab ka Da'ay Somalia


Roobab mahiigan ah ayaa ka da’ay meello kale duwan oo ka mid ah Soomaaliya iyo Kenya.

Magaalada Muqdisho 2 caruur oo mataano ah ayaa dhintay markii uu daad-qaaday.

Deeganka Hareeri Caadle oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, laba caruur ah ayaa ku dhintey markii uu danab ku dhacay.

Robabkan Mahiigaanka ah ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay isu-socodka gaadiidka, iyadoo la hakiyay duulimadyadii diyaaradaha.

Waqooyi Bari dalka Kenya, magaalada Mandheera baabuur bus ah ayaa lagu soo warramayaa inuu daad qaaday, in ku dhow 40 ayaa la soo bad-baadiyay, halka dad kalena la la’ yahay.

XS
SM
MD
LG