Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Oo Cuba Ka Saaraya Liiska Dalalka Taageera Argagixisada


Madaxweyne Obama ayaa hadalkan ka sheegay dalka Jamaica oo uu booqasho ku joogo, isagoo intaasi ku daray in wasaaradda arrimaha dibaddu ay tallaabadaasi ku hawlantahay oo hadda uu marayso gabogabo uuna sugayno taladda ay ka bixiyaan kalkaaliyayaashiisu.

Senator Ben Cardin oo laga soo doortay Maryland oo ku jira guddiga senatarada xiriirka arrimaha dibadda ayaa xaqiijiyey in guddigu uu ku talo bixiyey in liiskaas laga saaro Cubo oo la billaabo bog cusub.

Muddooyinkii ugu dameeyay ayaa waxaa jiray dadaallo ay Mareykanka iyo Cuba ku doonayaan in ay dib ugu soo cusbooneysiiyaan xiriirkoodii go’ay 50 sano ka hor.

XS
SM
MD
LG