Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakac ka Dhashay Dagaalka Yemen


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad boqol kun oo qof ay ku barakaceen dalka Yemen.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in dagaalada Yemen ay saameeyeen caruur badan oo ku dhimatay iyo kuwa halis ugu jira inay cuduro ku dhacaan.

UNICEF ayaa sheegtay in dagaalka Yemen uu sababay in dad badan ay guryahooda ka barakacaan, iyaga oo raadsanaya meelo ammaan ah oo ay ku badbaadaan.

Arrintan ayaa sida UNICEF ay sheegtay waxay culays badan ku soo kordhisay isbitaalada caafimaadka.

UNICEF ayaa sidoo kale tilmaantay in barakacu uu halis u yahay caafimaadka caruurta, isla markaana uu hakad galinayo waxbarashadoodii.

Hay’adda ayaa ku baaqday in la badbaadiyo caruurta isla markaana la dhowro sharciyada caalamiga ah ee badbaadinta aadamaha.

XS
SM
MD
LG