Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan oo la Weydiistey in ay ku Biirto Dagaalka Yemen


Yemen
Yemen

Golaha Qaranka Pakistan ayaa ka doodaya codsi uga yimid dalka Sacuudiga oo ah in ay gacan ka geystaan weerarada dhanka cirka, dhulka iyo bada dagaalka uu Sacuudigu horkacaayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen. Dadka siyaasada ka faalooda ayaa sheegaya in ay dhowr arrimood sababtey codsiga Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ka faa’iideysto agabka milatari ee casriga ah ee Pakistan oo lagu soo farsameeyey dalka Iran oo dhanka kalena taageeraya kooxaha Xuutiyiinta.

Sacuudiga ayaa la sheegey in ay doonayaan in ay baqdin galiyaan dalka Iran inta ayba awoodaa..

XS
SM
MD
LG