Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixinno: Xaaladda Magaalada Gaarisa


Garissa University Attack
Garissa University Attack

Magaalada Gaarisa Mas’uuliyiinta dawladda dhexe ee Kenya iyo kuwa Gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari ayaa leh kulamo degdeg ah kadib weerarkii ay shalay Al-Shabab ku qaadeen Jaamacadda magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen dad ku dhow 150 qof. Saraakiisha ayaa ka hadlaya tallaabooyinka dhinaca amniga ee ay kaga jawaabayaan weerarka al-shabab iyadoo madaxweynaha waddankaasi uu codsaday 10 kun oo hore isku qoray askarnimada inay tababar isku soo xaadiriyaan.

Dhinaca kalena bannaanbaxyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaarisa kuwaasi oo lagu cambaarahnayo ururka Al-Shabab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Aqalka Cad ee Maraykanka iyo hawlgalka AMISOM ayaa si weyn u wada cambaareeyey weerarka ay Al-Shabab ku qaadday jaamacadda Gaarisa. Ciidamada amnigu waxay sheegeen in dhammaan la toogtay dablaydii weerarka soo qaadday. Dadweynaha magaalada Gaarisa ayaa xilligan wada bannaan lagu cambaaraynayo ururka Al-Shabab iyo weerarka shalay dhacay.

Haddaba Warbixino iyo wararkii ugu dambeeyey ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa halkan ka dhegeyso:

Warbixinaha Weerarka Gaarisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:45 0:00

XS
SM
MD
LG