Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis laga Gaaray Barnaamijka Nuclearka Iran


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in heshiiska Nuclearka ee Iran lala gaaray Khamiisii shalay uu yahay mid hor joogsanaya dariiq kasta oo ay Iran ku sameysan laheyd Nukliyeer.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in hadii heshiiskan horudhaca ah uu horseedo mid kama dambeys ah, inuu dunida ka dhigayo meel amaan ah.

Heshiiskan ayaa waxaa Khamiista shalay Iran kula saxiixday dalka Switzerland shan xubnood ee joogtada ka ah golaha amaanka oo lagu daray Jarmalka.

Waxa uu dhigayaa in Iran inay joojiso barnaamijkeeda bacriminta macdanta Uraniumta, taa bedelkeedana Iran laga qafiifiyo cuna qabateynada la degay dhaqaalaheeda.

Dhageyso Heshiiska Nuclearka Iran
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:42 0:00

XS
SM
MD
LG