Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Ciraaq oo Dib u Qabsaday Tikrit


Ra’iisul wasaare Xaydar Al-Cabaadi ayaa lug ku soo maray waddooyinka kala duwan ee magaalada Tikrit, isagoo guusha Tikrit ku sheegay mid taariikhi ah.

Balse wasaaradda gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegay in weli ciidamada Ciraaq iska caabin kala kulmayaan boqolaal ka tirsan dagaalyahannada ururka Daacish, iyadoo wasaaraddu ay intaas ku dartay in ciidamada Ciraaq ay gacanta ku hayaan bartamaha magaalada iyo dhismaha weyn ee xarunta dhexe ee dowladda.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga shiishka fiican ee ururka Daacish ay ku dhuumanayaa saqafka sare ee dhismayaasha qaar sidoo kalana la maqlayo dhawaqa qaraxyo, iyadoo milatariga Ciraaq ay sheegay in ururka Daacish uu magaalada uga tagay miinooyin uu la maaganyahay in dad badan ay ku dhintaan.

XS
SM
MD
LG