Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalada Iran: Weli Heshiis lagama Gaadhin


EU Iran Nuclear Talks
EU Iran Nuclear Talks

Masuuliyiin ka kala socda Iiraan iyo Quwadaha ka kooban lixda dal ayaa maanta oo arbaca ah ka shaqaynaya inay isu soo dhoweeyaan arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay, taas oo ay rabaan in heshiis laga gaadho arrinta hubka Nukliyeerka Iran taas bedelkeedana laga qaado cunaqabataynada saaran.

Labada dhinacba kumay guulaysan inay heshiis gaadhaan wakhtigii kama dambaysta ahaa oo ku ekaa maalintii Salaasada ee shalay, laakiin waxay isla qaateen inay sii wadaan wadahadalada ka socda magaalada Lausanne, oo ka tirsan Switzerland.

Kulamo kala duwan ayaa u socda Wasiirka Arrimaha Debedda ee Iran Javad Zarif iyo dhigiisa wadamada Maraykanka, Britain iyo Jarmalka.

Wakiilo sare oo ka kala socda dalalka Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ka qayb gelaya kulankan maadama oo ay maqan yihiin Wasiiradooda Arrimaha Debedda.

XS
SM
MD
LG