Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin ku Saabsan Doorashada Nigeria


Codbixinta ayaa shalay maalintii labaad ka socotay dalka Nigeria halkaas oo dadweynuhu ku soo dooranayaan Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka. Xaaladda Gobolka Niger Delta ayaa kor u kacday iyada oo taageerayaasha Mucaaradku ay ku eedaynayaan Guddida Doorashada wax is-daba Marin.

Xiisado ayaa ka jiray shalay axaddii magaalada Port Harcout ee gobolka Rivers ee dalka Nigeria, waxaana isu soo bax sameeyey boqollaal ka mida taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee APC, kuwaas oo sheegay inay manta oo Isniin ahna ku soo noqon doonaan isu soo bax kale inay ka hor dhigaan xarunta guddida doorashooyinka.

Dadka mudaharaadayey ayaa sheegay in codadkii laga dhiibtay gobolka Rivers in lagu shubtay ayna tahay in laga saaro meesha, laba ka mida taageerayaasha mucaaradka iyo weliba askari ayaa la toogtay oo dhintay maalinimadii sabtida, Badhasaabka oo ay xubin firfircoon ka tirsan xisbiga APC ee mucaaradka ah ayaa diiday inuu codeeyo.

Mid ka mida dadka isu soo baxa samaynayey oo lagu magcaabo Evang Doba Dang ayaa VOA u sheegay:

“dhammaan meelahan oo dhan may jirin waraaqo codbixin oo asal ah oo la bixiyey, taas macneheeduna waxay noqonay inaan halkan doorasho ka dhicin, laakiin waxaanu arkaynaa xaalad ay doonayaan inay isdaba mariyaan natiijada codbixinta isla markaana uu guddida doorashada ee madaxa banaani uu ku dhawaaqo” ayuu yidhi.

Guddida doorashada ee gobolka Rivers ayaa sheegay in mid ka mida xafiisyadooda oo ku yaalla meel ka baxsan Port Harcourt in la gubay maalintii axadda.

Guddoomiyaha guddida madaxa banana ee doorashada Attahiru Jega ayaa sheegay in guddida doorashadu uu baadhayo eedaha loo soo jeediyey ee la xidhiidha in codad aan sax ahayni ay ku jiraan natiijooyinka codbixinta ee gobolka Rivers iyo weliba gobollo kale.

Wuxuu sheegay inay sidoo kale baadhayaan waxa keenay khaladka oo ah inay shaqayn waayaan qaar ka mida qalabkii akhriyi lahaa kaadhadhka codbixinta.

Ka dib markii ay shaqayn waayeen qaar ka mida qalabka loogu talo galay codbixintu ayaa guddida madax bannaan ee doorashada dalka Nigeria waxay ku khasbanaadeen inay maalin labaad furan illaa 350 goobood oo codbixin laga sameeyey oo ku yaalla guud ahaan dalka oo dhan. Arrimaha kale ee maalintii sabtida ee doorashadu dhacaysay la arkay waxaa ka mid ahaa in qalabka mishiinnada qaarkood ay akhriyi kari waayeen farihii codbixiyayaasha, taas oo amar lagu siiyey shaqaalaha ka hawlgelayey goobaha codbixintu inay iyagu hubiyaan macluumaadka codbixiyayaasha.

Arrimahani waxay keeneen inay yimaaddan dib u dhacyo baahsan oo ku yimaadda wakhtiga loogu talo galay in codbixiyayaashu ay codkooda dhiibtaan, inkasta oo goobaha qaar la tirinayey codadka aroortii hore ee Axaddii shalayba.

Waraaqaha codbixintu maba iman goob codbixineed oo ku yaalla magaalada Lagos oo lagu magcaabo Somolu, taasina waxay keentay in codbixiyayaasha loo sheego inay soo laabtaan maalinimada xigtay ee Axadda. Waxase goobtan dib loo furay duhurnimadii iyada oo qaar ka mida codbixiyayaashu ay goobtan ku jactadeen sida Rishikat Bashua, “aad baan uga xumaaday, weliba si aad ah, may ahayn inay noo sheegaan wax marmarsiinyo ah oo la xidhiidha dib u dhaca waraaqaha codbixinta. Waxay ahayd inaanu maalintii kowaad codayno, isla markaana qof kasti gurigiisa aado, laakiin taasi ma jirto oo weli waxay noo sheegayaan cudur daar” ayuu yidhi.

Kormeerayaasha dusha kala socday doorashadan dalka Nigeria ayaa ka kala yimi ururka Midawga Afrika, iyo ururka ECOWAS, waxayna warbixino hordhac ah oo ay sii daayeen ku sheegeen in codbixintani tahay mid la aqbali karo.

Madaxweynihii hore ee dalka Liberia Amos Sawyer oo hoggaaminayey guddida metelaysay ururka Midawga Afrika ayaa sheegay:

“Doorashadani waxay u qabsoontay hab nabadgelyo ah, taas oo ah heerka loogu talo galay doorashooyinka dimoqraadiga ah iyo qawaaniinta looga baahan yahay ka qaarad ahaan iyo ka gobol ahaan … waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadka reer Nigeria iyo siyaasiyiinta tartamaya inay aqbalaan natiijada ka soo baxda doorashadan, haddii ay jiraan cabashooyina loo maro hay’addaha sharciga eek u shaqada leh” ayuu yidhi.

Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan ayaa kala kulmay loollan xooggan Muhammadu Buhari ooh ore u ahaa sarkaal milateri haatanna hoggaamiyaha Xisbiga APC.

XS
SM
MD
LG