Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalada Nukliyeerka Iran ee ka Socda Switzerland


Switzerland Iran Nuclear Talks
Switzerland Iran Nuclear Talks

Wada xaajoodyadii ku saabsanaa barnaamijka Nulcearka ee Iran ayaa maanta mar kale ka sii ambaqaadmay magaalada ausanne ee Switzerland, yahoo waqtiga kama dambeysta ah ee lo qabtay heshiis horu dhac ah oo la gaaro uu soo dhawaanayo.

wada hadalada ayaa sii socda maanta oo Sabti ah iyadoo dhinaca kale diplomasiyiin sare sare oo ka socda dhowr dal oo ka mid ah wadamada la isku yirahdo P5+1 ee ku lugta leh wada xaajoodyada barnaamijka Nulcearka Iran ay gaaray magaalada Lausanne.

Magaaladaasi ayaa waxaa kulan ku lahaa maalmihii u dambeyay halkaasoo xoghaya Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry iyo Dhgigiisa Iran Mohammad Javad Zarif, si ay hehsiis uga gaaraan waqtiga kama dambeysta ah ee wada hadaladan loo qabtay oo ku eg Talaadada soo socota.

Mr. Zarif, oo wariyeyaasha kula hadlayay halka ay wadahadaladu ka socdaan JImcihii shalay ayaa sheegay in wada xaajoodyadu ay ahaayeen kuwo adag oo la isku mari la’aa .

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Iyana ku tilmaantay wada xaajoodyadii ugu dambeeyay kuwii ugu ad adkaa balse dhinacyadu ay dhab ka aheyd in xal loo helo.

Wadahadaladan maanta ayaa ku soo beegmaya, maalin ka dib markii madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani uu weydiistay hoggaamiyeyaasha lixda quwadood ee dunida ee wada xaajoodkan ku lugta leh inay ka faa'iidaystaan fursad nooceeda oo kale aysan jirin oo heshiis lagu gaaro.

Mr. Rowxani ayaa ku tilmaamay in Iran oo laga qaado dhammaan xayiraadaha saaran ay tahay tallaabada ugu weyn ee wadada u xaari karta heshiis dhaba oo la gaaro.

XS
SM
MD
LG