Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwad Ooge Robin: Diyaaradda Waa la Riday


Brice Robin oo ah dacwad ooge ka hawlgala magaalada Marseilles ee dalka Faransiiska ayaa ka hadlay diyaaraddii Germanwings ee dhacday maalintii Salasaasada isaga oo sheegay in duuliyaha labaad uu diyaaradda si toos ah ugu dhuftay buuro ku yaalla dalka Faransiiska halkaas oo ay ku nafwaayeen duuliyaha laftiisa iyo 149 qof oo kale.

Dacwad oogaha ayaa arrintan ka sheegay xilli uu ku guda jiray war uu siinayey telefiishanada maalintii khamiista, isaga oo sheegay sheegay in caddayn – cod ahi ay muujisay in duuliyaha labaad oo da’diisu ahayd 27 jir isla markaana lagu magcaabi jiray Andreas Lubits oo haystay dhalashada dalka Jarmalka inuu albaabka ka xidhay duuliyaha koowaad ee diyaaradda.

Wuxuuna duuliyaha labaad ka dib bedelay hanaankii duulimaadka ee diyaaradda isaga ka duwan khariiraddii ay ku duulaysay isla markaana hoos u jeediyey taas oo ay saacaddii ku duulaysay 700KM.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa ku waramaysa in Duuliyaha diyaaradda riday ee Lubitz uu shaqada fasax ka qaatay wakhti hore isaga oo ka cabanayey isku-buuq.

XS
SM
MD
LG