Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Yemen oo Dhismihiisii ka Qaxay


Saraakiisha Yemen ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Yemen Cabdirabu Mansour Hadi uu ka qaxay xaruntii uu ka deganaa Koonfurta magaalada Cadan isaga oo u cararay goob aan la aqoonsan oo ku taalla magaalada, ka dib markii kooxaha Xuutiyiintu ay wadeen duullaanka ay ku wadaan gobollada Koonfureed.

Masuuliyiintan reer Yemen ayaa gebi ahaan beeniyey wararka sheegaya in Madaxweynuhu uu gebi ahaan ka baxay magaalada.

Magaalada Cadan ayaa saldhig u ahayd madaxweynaha tan iyo bishii hore ka dib markii uu ka soo baxsaday madaxweynuhu xabsi guri ay geliyeen magaalada Sanca kooxaya Xuutiyiintu. Wuxuuna madaxweynuhu uu gaadhay magaaladan Cadan si uu uga saldhig uga dhigo xukuumaddiisa.

XS
SM
MD
LG