Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad ku Burburtay Koonfurta Faransiiska


Diyaarad nooceedu yahay Airbus A320 oo ay saarnaayeen 150 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay buuralayda Alps ee koonfurta faransiiska.

Saraakiisha duulista hawada ayaa sheegaya in diyaaradda ay lahayd shirkadda German-wings oo hoos tagta shirkadda diyaaradaha ee Lufthansa oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Barcelona ee dalka Spain,waxaanay ku sii jeedday magaalada Dusseldorf ee Jarmalka.

Wargayska faraniiska ee lagu La Provence ayaa sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen 150 rakaab ah , laba duuliye iyo afar shaqaale ah.

XS
SM
MD
LG