Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ismari-waa ka Taagan Wadahadalada Hubka Iran


Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inay jiraan qodobo xasaasi ah oo la isku mari la’yahay si heshiis looga gaadho arrinta hubka Nuliyeerka ee Iraan.

Xoghayaha ayaa hadalkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland maanta oo sabti ah, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey inay jiraan faraq weli u dhexeeya labada dhinac sidii heshiis loo gaadhi lahaa, isagoo leh waa in qodobada aasaasiga ah iminka go’aan laga gaadhaa.

Kerry ayaa hadalkan bixiyey waxyar ka hor uun intii aanu u kicitimin magaalada London si uu kulan ula qaato kooxda P5+1 oo ka kooban quwadaha la xaajoonaya Iran.

Wadaxaajoodka arrinta hubka Nukliyeerka ee Iraan ayaa dib u bilaabmi doona toddobaadka soo socda.

XS
SM
MD
LG