Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Qarax lala Beegsaday Laba Masaajid


Weerar ismiidaamin ah ayaa ka dhacay laba masaajid oo ku yaalla magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen, masaajidadan ayaa ah kuwo ay inta badan ku tukadaan dadka Shiicada ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare aad u badan oo kor u dhaafaya tobanaan dhimasho ah iyo dhaawac tiro badan, weriyaha VOA ee ku sugan magaalada Sanca Jacfar Kuukaay ayaa ku soo waramaya in xilliga weerarkani dhacay ay ahayd markii la tukanayey salaadda jimcaha.

XS
SM
MD
LG