Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nukliyeerka Iran oo Isfaham laga Gaadhay


Madaxa Wada-xaajoodka Hubka Nukliyeerka Iran ayaa sheegay in Dalka Iran oo dhinac ah iyo Maraykanka iyo dalalka kale ee Xubnaha ka ah wada-xaajoodku ay gaadheen isfaham guud, kaas oo ku saabsan inta badan arrimihii laga wada-hadlayey.

Ali Akhbar Salehi ayaa u sheegay Telefiishanka Dawladda ee dalka Iran inuu hadhsan yahay hal shay oo muhiima oo lagu kala aragti duwan yahay, haddii kaas lagu heshiiyo xilli dambe oo maanta ah wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay gaadhi doonaan heshiis rasmi ah oo ku saabsan arrimihii farsamo ee lagaga wada hadlayey wada-xaajoodyadii ka socda Switzerland.

Sarkaalkani faahfaahin badan kamuu bixinin wuxuu yahay shaygaas muhiimka ahi.

Salehi ayaa hadalkan sheegay xilli uu kulan u socdo maalintii labaad wasiirada arrimaha debedda ee dalalka Maraykanka John Kerry iyo Iran Mohammad Javad Zarif.

XS
SM
MD
LG