Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Miino oo ka Dhacay Xuduuda Somalia iyo Kenya


Qarax ayaa ka dhacay bar laga tallaabo oo uu ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya maanta meel u dhow magaalada Mandera.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceega. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in minadan loola dan lahaa ciidamada amniga ee roondada ku jra.

Ilaa haatan ma jiraan warar sheegaya in dad way wax ku noqdeen qaraxan.

Toddobaakdii hore ayey ahayd markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Mandera Cali Rooba, waxaana weerarkaasi ku dhintay 3 qof.

Mas’uuliyiinta amniga ee Kenya ayaa sheegay inay doonayaan in ciidankoooda la dhigo degaannada ku teedsan xuduudda.

XS
SM
MD
LG