Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Codsanaysa Kaalmo Milateri


Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ayaa raadinaya taageero milateri si ay u soo afjaraan weerarada dalkiisa uga imanaya kooxaha mucaaradka ah ee Ruushku taageero.

Madaxweyne Poroshenko ayaa gaadhay dalka Jarmalka si uu wada-hadalo ula furo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo masuuliyiinta golayaasha sharci-dejinta dalkaas.

Illaa hadda xog badan lagama hayo arrimaha ay sida dhabta ah uga wada-xaajoon doonaan, laakiin kulan la filayo inuu maanta oo Isniina ka dhaco Jarmalka ayaa ku soo beegmaya iyada oo toddobaadkii hore uu digniin jeediyey diplomaasi sare oo u dhashay dalka Jarmalka kaas oo ka digay in hub culus la siiyo dalka Ukraine si ay ugula dagaalamaan mucaaradka.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Jarmalka Frank Walter-Steinmeier oo maalintii khamiista ka hadlay Washington ayaa sheegay in hub noocaas ah oo la siiyo Ukraine inay xaaladda sii xumaynayso.

Wuxuu kale oo sheegay in Jarmalka iyo Faransiiska ay ka digayaan inaanay taageeri doonin in hub culus la siiyo dalka Ukraine.

XS
SM
MD
LG