Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Weerar lagu Qaaday Kaniisado


14 ayaa ku dhintay 70 kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii labo qarax ay ka dhaceen bannaanka hore ee kiniisad ku taalla magaalada Lahore ee dalka Pakistaan.

Saraakiisha caafimaadka ee Lahore ayaa sheegay in 30 qof oo ka mid ah dadka dhaawacyadu soo gaareen ay xaaladoodu aad u liidato.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in labo nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen ciidankii ilaalinayay kiniisada, kuwaasoo markii dambe isqarxiyey kaddib markii ay ku adkaatay in ay kiniisada gudaha u galaan.

Saraakiisha Pakistaan ayaa sheegay in mas’uuliyada weerarkan ay sheegatay koox xiriir la leh ururka Taalibaan

XS
SM
MD
LG