Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Dhaqaaleheedu aad u Kobcay


Sida lagu baahiyey xog ururin uu sameeyey Bloomberg, dalka Kenya ayaa noqday dalka saddexaad ee labaatanka dal ee sida weyn dhaqaalohoodu kor ugu socdo.

Kenya iyo Nigeria ayaana noqday labada dal ee keliya ee Afrikaan ah ee liiskaas ka soo muuqday.

Daraasaddan cusub ayaa ku soo beegmaysa iyada oo shaqo la’aanta Kenya ay weli aad u sarrayso, xilli ay wershedo badanina ku sugan yihiin xaalad aan wanaagsanayn haddii aan dawladda Maraykanku dib u cusboonaysiin heshiiska dhinaca ganacsiga.

Duleedka magaalada Nairobi waxaa ku taalla wershed dunta samaysa, halkaas oo ay ku sugan yihiin shaqaale tiro badan oo ku mashquulsan inay farsameeyaan alaabta inta aan la gaadhin wakhtiga loo qabtay.

Wersheddan waxaa la aasaasay 13 sano ka hor, waxaana u shaqeeya illaa 10,000 oo qof iyaga oo celcelis ahaan bishii hela dakhli gaadhaya illaa $150 qofkiiba.

Inta badan waxsoosaarka wersheddani wuxuu ku tiirsan yahay suuqyada debedda, waxayna bil walba dalka Maraykanka u dirtaa alaab gaadhaysa illaa $100 Million oo dollar .

Wersheddan oo lagu magcaabo United Aryan waxay ka faa’iiday ama fursad ka heshay heshiiska ganasi ee African Growth and Opportunity Act, kaas oo ah mashruuc dalka Maraykanku ugu oggolaado dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika inay dalka maraykanka keeni karaan alaab aan la cashuurin.

Laakiin wax badan ayaa laga yaabaa inay isbedelaan maadaama mashruucaasi uu dhamaanayo bisha September.

Daraasad uu ka sameeyey Bloomberg illaa 57 waddan, ayaa muujisay in mashruucani kor u qaaday koboca dhaqaalaha dalka Kenya illaa 6%, dalalka China, India, Philippine iyo Indonessia ayaa iyaga sannadkan kobocoodu ahaa illaa 5%.

Haddana waxaa la sheegayaa in shaqo la’aanta ka jirta dalka Kenya ay aad u sarrayso taas oo dadka reer Kenya ay 40% ku nool yihiin faqri, haddiiba heshiiskani guul darraysto wuxuu horseedi doonaa in masiibadu sii korodho.

Sannadihii tegey Kenya waxay la daalaa dhacaysay inay gaadho dhaqaale xooggan xilli ay ku jirto deganaansho la’aan siyaasadeed, abaaro kala duwan iyo weeraro uga yimi dhinaca ururada argagixisada ah. Bulshada ganagsigu waxay aaminsan yihiin in haddii dib loo cusboonaysiiyo heshiiska ganacsiga maraykanka inay horseedi doonto koboc dhinaca dhaqaalaha ah oo sii socda.

XS
SM
MD
LG