Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Maxkamad Diidday Codsigii Gen. Samatar


Maxkamadda Saree ee dalka Maraykanka ayaa diidday codsi ka yimid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia, Jeneraal Maxamed Cali Samatar. Mr. Samatar ayaa horay loogu amray inuu bixiyo lacag ka badan 20 kun oo dollar, taas oo u siinayo dhibanaal lagu xadgudbay gudaha Somalia.

Mr. Samatar ayaa horay u soo qabtay xilka Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumaddii kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, sanadihii siddeetamadii iyo sagaashamadii.

Maxkamadaha dawladda dhexe ee Maraykanka ayaa Mr. Samatar oo hadda ku nool gobolka Virginia ee dalka u diiday inuu xasaanad ka yeesho dacwadaha loo haysto, maaddaama uu yahay sarkaal ka tirsanaa dawlad ajnabi ah. Qareenadiisa ayaa Maxkamadda Sare weydiistay in go’aankeeda ay dib u eegto.

Maamulka Obama ayaa Maxkamadda Sare ku booriyey in aanay keyskan eegin oo arrintaas lagu dhaafo go’aankii ay maxkamadda hoose horay uga gaartay.

XS
SM
MD
LG