Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Maalgashiga Somalia oo Nairobi Ka Furmay


Waxaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ay isugu yimaadeen ganacsato somaliyeed, maalgashadayaal, khubarro dhinaca horumarinta dhaqaalaha ah, masuuliyiin siyaasadeed iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta ka shaqeeye.

Shirkan oo socon doona muddo sadex maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay oo martigelinaya Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi iyo shirikad Somaliyeed oo la yirahdo Shuraako, waxaana diiradda lagu saarayaa maalgashiga Somaliya iyadoo laga yaabaa in qaar ka mid ah boqolaalka xubnood ee ka qeybgalaya ay heshiisyo dhinaca maalgashiga ah ku kala saxiixdaan .

Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Saciid (Cabdirashiid Dahabshiil) oo ka mid ah ganacsatada Somalida ee shirkaasi ka qeybgaleysa ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan uu kula xiriiray khadka taleefanka waxaana uu weydiiyay bal inuu faahfaahiyo kulankan. Wareysiga halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

Dhageyso Wareysiga Shirka Maalgashiga Soomaaliya ee Nairobi ka Furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00

XS
SM
MD
LG