Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumanaan Socod ku Maray Moscow


Tobanaan kun oo qof ayaa shalay socod ku maray badhtamaha magaalada Moscow si ay ugu baroordiiqaan hoggaamiyihii mucaaradka ee la dilay Boris Nemtsov.

Qaar badan oo ka mida dadka socodka murugada ah samaynayey ayaa sitay calanka dalka Ruushka iyo qoraallo hal ku dhegoodu ahaa “Ma Cabsanayo” taas oo ay ku xasuusanayeen halyeygii siyaasiga ahaa ee weliba sida weyn u dhaliili jiray Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Dadka soo abaabulay ayaa sheegay in socodkan ay ka qayb galeen illaa 70,000 oo qof halka booliska Moscow uu sheegay in dadka socodka sameeyey ay gaadhayaan illaa 21,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG