Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada Hadalada Mareykanka Iyo Kuba


Mareykanka iyo Cuba ayaa sheegay in xoogaa horumar ah laga sameeyay wareeg labaad oo wada hadallo ah oo labada dhinac uga socda magaaladan Washington.

Labada dhinac ayaa kulmay Jimcihii si ey bal u eegaan suurtagalnimada in Washington iyo Havana ay dib u soo celiyaan safaaradahoodii, ka dib muddo 50 snadood ah oo xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dhinac uu go’naa.

Wada hadalada ayaa lagu soo waramayaa in la isku afgartay iyadoo madaxa wafdiga Mareykanka ee wada hadaladan, kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Roberta Jacobson, uu qiyaasayo in labada dal saafaaradahooda ay furan doonaan marka uu dhacayo shir madaxeedka dalalka Koonufrta America ee lagu qaban doono Panama bisha April ee soo socota.

Wada hadaladan ayaa qeyb ah ka ah talaabo uu hindisaheeda lahaa madaxweyne Barack Obama oo uu ku doonayo inuu ku soo afjaro cuna qabateyn ganacsi oo uu Mareykanka ku hayay Cuba muddo dheer .

Cuba oo ah dal ay biyo ku hareereysanyihiin ayaa sheegtay wax yar ka hor kulankii shalay in arinta safaaradaha ay ku xirantahay in marka hore Mareykanka uu ka saaro Cuba liiska wasaaradda arimaha dibadda ee dalalka taageera argagixisada.

XS
SM
MD
LG