Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaada Toddobaadka: Hanjabaadda Ururka alshabaab


Toddobaad ka hor ayaa ururka Al-Shabab magaalada Muqdishu ka gaysteen qaraxyo ay ku hoobteen dad ku dhow 30 qof, waxayna ku hanjabeen inay sii wadayaan weeraradaasi. Maalintii xigtayna Al-Shabab waxay soo saartay filim cusub oo ay ku faahfaahinayaan weerarkii ka dhacay Westgate bishii Sebtember sannadkii 2013-ka, waxayna ugu baaqeen dadka fikirooda la dhacsan inay weerarro ka gaystaan suuqyo waawyen oo ku yaalla caalamka oo ay ka mid yihiin kuwa ugu caansan waddamada Maraykanka, Canada iyo Biritan. Haddaba hanjabadaada al-shabab ma tahay mid ay ka dhabayn karaan? Maxaase uga iman kara bulshada Soomaalida? Waa mowduuca Barnaamijka Faaqidadada Toddobaadka, waxaana marti iigu ah Sheekh Cabdiraxmaan Shariif Imaamka Masaajidka Daarul Hijra, Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaliyarada Soomaalida ee Gobola Minnesota, Dr Xuseen Warsame Cigaal iyo Mukhtaar Yuusuf oo iyaguna ka mid ah aqoonyahanna Gobolka.

Barnaamijka Faaqidaadda ee toddobaadkan waxaa innoo soo diyaariyey Haaruun Macruuf:

Qaybta Koowaad ee Barnaamijka Falanqaynta Jimcaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:31:31 0:00
Qaybta Labaad ee Barnaamijka Falanqaynta Jimcaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:30:31 0:00

XS
SM
MD
LG