Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jihadi John oo la Aqoonsaday


Warar kala duwan ayaa sheegaya in la aqoonsaday ninkii wejiga daboolnaa ee lagu arki jiray muuqaallada ay soo diraan ururka Daacish, waxaana ninkan daboolani caan ku ahaa inuu soo muuqdo xilliyada goorta laga goynayo la haystayaasha gacanta ugu jira ururka Daacish.

Ninkaasi oo loogu magac daray Jihadi John ayaa warar laga soo xigtay saaxiibadiis maanta oo khamiis ahi sheegayaan in magaciisa rasmiga ahi yahay Mohamed Emwas.

Wariyaha VOA ee Rome ayaa sheegay in sirdoonka Yurub ay diiden in ay xaqiijiyaan in Emwazi uu yahay Jihadi John ayna sheegeen in sheekadu ay intaasi ka sii durugsan tahay.

Saraakiisha amniga ee Mareykanka ayaan weli ka faalloon wararka ku saabsan ninkaasi xiran dharka madow ee wejigu u daboolan yahay.

Emwazi ayaa la sheegay in uu yahay nin reer London ah oo dabaqada dhexe ah oo u dhashay Kuweit isla markaana wadaad ah. ninkan ayaa la sheegay inay hore u daneeynayeen saraakiisha amniga ee Britain, inkastoo aaney weli xaqiijin.

Saaxibadii iyo dad yaqaana ayaa sheegay in ay rumeeysan yihiin in Emawazi xagjir laga dhigay sanooyinkii la soo dhaafay kadib markii uu u safray Afrika iyo bariga dhexe

XS
SM
MD
LG